Sharci hal xaraf kaliya laga bedelay oo badbaadiyey kumanaan qof oo dil ku xukunaa

Kumanaan qof oo horey loogu helay isticmaalka ama ka ganacsiga daroogada ayaa lagu soo waramayaa inay ka badbaadayaan in lagu fuliyo xukun dil ah kadib markii la badalay qodobo ka mid ah sharci horey u jirey oo xukunkooda loo cuskaday.

Ugu yaraan 5,000 dambiilayaal xabsiyada ku jira oo sugaya in xukun dil ah lagu fuliyo ayaa ka faa’iideysan kara isbadalkan, balse waxaa xukunka loogu badalayaa xabsi.

Sharciga oo horey u ahaa in qofkii lagu helo 30kg oo daroogo ah uu dil ku muteysanayo, ayaa hadda la kordhiyay garaamka uu qofka ku muteysanayo dilka, waxaana la gaarsiiyay illaa 50 kiilo kadib dib u eegis uu sameeyay baarlamaanka.

Madaxa garsoorka Iran Ayotollah Sadeg Larijani ayaa sheegay in dadka dilka ka badbaadaya xabsi loogu badalayo.

Hay’ada xuquuqda aadanaha ee Amnesty ayaa iyada oo soo xiganaysa saraakiil reer Iran ah sheegtay in illaa sanadkii 1998-dii dil lagu fuliyay dad gaaraya 10,000 qof dambiyo la xiriira daroogo.

Sanad kasta Iran waxa ay dil ku fulisaa boqolaal qof oo intooda badan lagu heley dambiyo la xiriira daroogada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -