Soomaaliya iyo Kenya oo Heshiis Qarsoodi gaaray iyo Raychelle Omamo oo Muqdisho imaaneysa

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in heshiis qarsoodi ah gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kuwaa oo mudooyinkii ugu dambeeyay uu ka dhaxeeyay khilaaf xoogan oo keenay in labada dal safaaradaha kala qaataan.

Heshiiska qarsoodiga ah ay gaareen Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaan wali faah faahin badan laga helin, waxaana la filayaa in labada dal si rasmi ah u shaaciyaan heshiiskan sida hoose u gaareen.

Wasiirka arimaha dibadda dowlada Kenya Raychelle Omamo, ayaa lagu wadaa in beri oo axad ah timaado magaalada Muqdisho si ay u xoojiso heshiiska la sheegay in ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Raychelle Omamo, ayaa Muqdisho kula kulmi doonta dhigeeda Soomaaliya iyo masuuliyiin kale, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in dowladaha Soomaaliya iyo Kenya faah faahin doonaan heshiiska hoose ay gaareen si xiriirka labada dal loo xoojiyo.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amniin Jeesow oo kamid ahaa Xildhibaanada sida weyn u taageersanaa Farmaajo ayaa uga digay Xukuumada in heshiis la gasho Dowlada Kenya uu tilmaamay in cadaw ku tahay jiritaanka Soomaaliya.

Waxa uu xusay Xildhibaanka in heshiis lala galo dowlada Kenya wax u dhimeyso sumcada hogaanka dowlada waqtigiisu dhamaaday, waxa uuna si gaar ah ugu digay Madaxweyne Farmaajo in dowladiisa heshiis la gaarto Kenya.

Heshiiska ay gaareen dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa la filayaa in meesha ka saarto khilaafkii xooganaa ee labada dal u dhaxeeyay, waxaana suurto gal ah in heshiiska qeyb ka noqdo soo celinta jaadka Kenya ee horey dalka looga mamnuucay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -