Xog ku aadan Liiska ugu horeeya Musharaxiinta Aqalka Sare ee Qoor Qoor soo saarayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda soo saaro liiska musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ku matalaya Galmudug.

Qoor Qoor ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya Madaxtooyada Soomaaliya, Musharaxiinta mucaaraadka iyo qaar kamid ah siyaasiyiinta miisaanka culus ee kasoo jeeda dowlad goboleedka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sidoo kale culees siyaasadeed kala kulmaya Gudoonka iyo Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug kuwaa oo doonaya in doorashada xubnaha Aqalka Sare moqoto mid furan oo loo wada tartami karo si ay macaash badan uga helaan.

Xoggo lagu kalsoonaan karo oon helnay ayaa sheegaya in Madaxweyne Qoor Qoor inta badan dib u dhigay liiska kuraasta muranka xoogan ka jiro gaar ahaan kuwa la isku hayo in shaqsiyaad gaar ah loo xiro iyo in ay noqdaan kuwa furan.

Kuraasta doorashadooda muranka badan ka jiro ayaa waxaa kamid ah Kuraasta Aqalka Sare ee beelaha Sacad, Saleemaan ,Murusade iyo Ceyr, waxaana kuraastan oo ah kuwa miisaan culus isku haya Villa Somalia iyo mucaaradka .

Madaxweynaha Galmudug ayaana wararka aan helno sheegayaan in shaacinta musharaxiinta kuraastan muranka ku jiro dib u dhigayo, waxaana la filayaa in uu shaaciyo musharaxiinta kuraasta beelaha Mareexaan, Dir, Waceysle iyo Duduble.

Doorashooyinkii xubnaha Aqalka Sare ee dhawaan ka dhacday magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ayaa ahaa kuwa aan daahfurneyn oo loo xiray musharaxiin la watay, hasa ahaatee Galmudug ayaa waxaa ka jira khilaaf la xira in kuraasta dad gaar ah loo xiro.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -