Gudoomiye sheegay in degmadiisa lagu dilay 13 ka tirsan Al-Shabaab

Guddoomiyaha Degmada Waajid Maxamed Macalin Yuusuf ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo tiradoodu gaarayso ilaa iyo 13 lagu dilay howlgal ciidamada dowladu ka sameeyeen degmadaas.

“Tuulooyin hoostaga degmada Waajid oo maalmihii la soo dhaafay ay argagixisada ku dhibaateynayeen shacabka ayaa lagu guuleystay in goobta laga ceyriyo, loona geysto jab xoogan, waxaana laga dilay 13 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab, qaarkood iyaga oo dhaawac ah oo ay ciidanka soo qaadeen ayay jidka ku dhinteen”. ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Waajid.

Maxamed Macalin Yuusuf ayaa xusay in howlgalka uu yimid kaddib markii ay soo badatay cabashada ay maamulka u soo gudbiyeen dadka deegaanka oo qaarkood ka soo barakacay tuulooyinka, isagoo intaa ku daray in ay sii wadayaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamada xoogga dalka ayaa maalmihii dambe howlgallo ka waday qaar ka mid ah gobollada dalka, kaasoo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -