Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Aadan Madoobe oo arrin xasaasi ah kala hadlay dhaqanka gobolka Bakool (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa  kulan la qaatay duubabka dhaqanka ee Gobolka Bakool.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa duubabka dhaqanka ee ka dhageystay warbixin ku saabsan xaalada deegaanka oo ay ugu horreeyaan amniga, waxbarashada, iyo adeegyada kale ee bulshada.

Waxay dhaqanku sheegeen inay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan abaabulka lagu ciribtirayo al-shabaab ee ka socda gobolka bakool iyo gobolada dalka qaarkood.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS ayaa duubabka dhaqanka Gobolka Bakool ku ammaanay adkeysiga iyo xoojinta dadaalada ay ku doonayaan inay in kooxda al-shabaab  isaga xorreeyaan  si deeganadaan ay dib ugu soo laabtaan dhammaan adeegyada kala duwan ee dowladda.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa qeyb ka ah booqasho ay magaalada Xudur ku joogaan wafdi sare oo ka socda DF iyo Koonfur galbeed kaasoo uu horkacayo Madaxweyne Xassan Shiikh iyo Laftagareen oo halkaas u jooga abaabulka dagaalka Al-shabaab.

Related posts

Safiirka Itoobiya ee Somalia oo tagay Baydhabo, lana kulmay Laftagareen (Sawirro)

Cabdi Cade

Waa sidee saaka xaalada goobihii shalay lagu dagalamay ee gobolka Mudug?

Caydiid Ali

Ciidanka dowladda oo saakay laayay xubno katirsan Al Shabaab iyo meydad lasoo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---