Madaxweyne xilka laga tuuray oo loo gacan gelineyo Maxkamadda dambiyada ICC

Golaha wasiirada Suudaan ayaa si wadajir ah ugu codeeyay hindise sharciyeed u horseedayo dalkaas inuu ku biiro maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC.

Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamdok ayaa sheegay in xukuumadiisa ay ka go’an tahay xaqiijinta cadaalada.

“Caddaallada iyo isla xisaabtanka waa arrimaha lafdhabarka u ah Suudaanta cusub taas oo ay ka go’antahay xaqiijinta sharciga” ayuu yiri Xamdok.

Tallaabadan ayaa la sheegay iney gogoldhig u tahay qorshe Suudaan ku dooneyso inay maxkamadda ICC ku wareejiso Madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Al Bashiir iyo dad kale oo looga shakisan yahay iney gobolka Daarfuur ka geysteen dambiyo dagaal iyo xasuuq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -