Madaxweyne Deni oo maanta shaacinaya liiska Musharaxiin laga sugaayey

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa lagu wadaa inuu maanta shaaciyo liiska musharaxiinta xubnaha Puntland ku metelaya aqalka sare ee baarlamanka Somalia.

Deni ayaa xalay kulamo wadatashi ah oo ku saabsan Arrimaha doorashada aqalka Sare la yeeshay  Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeen ayaa ka mid ah masuuliyiinta uu la kulmay Deni.

Wararka intaas ku daraya in Siciid Deni uu sidoo kale kulamo gooni gooni ah la qaatay  xildhibaannada Baarlamanka Puntland, isagoo kala-hadlay Doorashada xubnaha Aqalka Sare.

Deni ayaa ka mid ah saddex Madaxweyne Goboleed oo illaa hadda aan soo magacaabin liiska Musharaxiinta xubnaha ku metelaya aqalka sarem waxaana illaa hadda doorashada aqalka sare bilaabay maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -