Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug oo kusii jeeda Degmooyin Al Shabaab heestaan

Ciidamada milatariga Soomaaliya iyo ciidamada Daraawiishta Galmudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay howlgal wadajir ah waxa ay ka wadeen deegaano katirsan gobolka Mudug oo Al Shabaab gacanta ku hayeen.

Ciidamada Huwanta ah ayaa shalay la wareegay Deegaanka Camaara iyo deegaano kale oo ku dhaw dhaw, waxa ayna ciidamada sii wadaan howlgalka ay ku doonayaan in Al Shabaab uga saaraan guud ahaan gobolka Mudug.

Wasiirka Amniga Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in guulo waa weyn ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ay la galeen Al Shabaab.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dagaalka ku jabiyeen Al Shabaab kana qabsadeen deegaano badan, waxa uuna tilmaamay in ciidamada wadajira ee dowlada iyo kuwa Galmudug hada u jiheesteen degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer.

Wasiir Fiqi ayaa ku hanjabay in Al Shabaab ka saarayaan gabi ahaan deegaanada Galmudug, waxa uuna carabka ku dhuftay in Al Shabaab hada isugu tageen degmooyinka Xarardheere iyo Ceeldheer ayna halkaasi uga daba tagayaan.

Howlgalada ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ka wadaan deegaano katirsan Gobolka Mudug waxaa hogaaminaya taliyaha ciidanka lugta ee Mitariga Soomaaliya Janaraal Biixi iyo sidoo kale Saadaq Joon.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -