Al Shabaab ma aqbali doonaan Shuruuda Ra’isul Wasaare Xamse Barre si loo wada hadlo ?

Dowladda Soomaaliya ayaa dagaal xooggan kula jirta kooxda Al Shabaab ee wali ka dagaalanta qeybo kamid ha Soomaaliya, waxa ayna dowladda wali ku guuleysan ladahay soo afjarida kooxdan sida weyn u hubeysan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay inay wadahadal la gasho kooxaha argagixisada ah ee dagaalka kula jira, hadii nabad lagu helayo wadahadalkaasi

Xamse Barre ayaana wadahadal ay la galaan kooxaha hubeysan shuruud uga dhigay in ay marka hore joojiyaan dilalka iyo qaraxyada ay u geystaan dadka Soomaaliyeed ee aan waxaba ka galabsan.

“Dagaalka oo kaliya xal nooma aha, dagaalka waxaan ku raadineynaa nabad, laakiin xalka ugu dambeeya wuxuu noqon doonaa wadahadal iyo isku imaansho, in la is qanciyo ayuu xalkeenu kuma jiro dil iyo is qarxin, qofku marka hore dambiga gacanta ha kala baxo, markaas kadib ayey toobadu u furan tahay.” ayuu yiri Xamse Barre.

Ra’isul Wasaaraha ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan Al Shabaab uu yahay mid ay nabbad ku raadinayaan, waxa uuna xusay haddii xubanaha Al Shabaab ee duurka ku jira kasoo labtaan fikirka qaldan ayna hubka dhigaan in ay soo dhaweenayaan.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaaraha in xubnihii horey uga soo baxay Al Shabaab iskuna soo dhiibay dowladda si wannaagsan loo soo dhaweeyay oo la sharfay, isagoona intaa ku daray kuwa hadda kasoo baxaya fikirka khaldan iyana soo dhaweenayaan.

Kooxda Al Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda ayaan wali ka hadlin dalabka ku aadan Ra’isul Wasaare Xamse in ay wadahadal la galaan kooxdaasi, waxaana horey Al Shabaab uga biyo diiday in wadahadal la gasho dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa dooneysa in dalka ay xoog kula wareegaan si ay maamulkooda dalka dhan uga hirgalo, waxaana dadka siyaasada falanqeeya aaminsan yihiin in Al Shabaab marna diyara u aheyn in wadahadal la gasho dowladda ayna nabadda qaataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -