Beesha Eelaay oo Shir yeelatay kana soo saartay Qodobo Xasaasi ah (Akhriso)

Shir ay isugu yimaadeen Odayaasha, Siyaasiyiinta, Aqoonyahanka, Haweenka iyo dhalinyarada beesha EELAAY oo ka kala dhacay Moqdishu, Beydhaba, iyo
Kismaayo oo looga hadlayay aayaha beesha iyo doorashooyin inagu soo wajahan, waxaana shirka kasoo baxay qodobadan hoos ku xusan:

1. Beeshu ugu horeyn waxaa iclaamimeysaa shir weeyne oo u wada dhan beelah Digil iyo Mirifle si loogu wada hadlo masiirka Koonfur Galbeed.

2- Beeshu Waxaa fariin diiran halkaan ugu direysaa Madaxweynah Koonfur galbeed, inuu ka waantoobo dano siyaasadeed oo qaas ah taas oo gebi ahaanba masiirka umadda reer Koonfur galbeed in aadan u baab’inin dano siyaasadeed oo qaas ah

3- waxaad ku guul dareystey inaad illaaliso halbeegii wax qeybsiga kaas lagu dhaqmaayey mudadii 20 kii sano ee lasoo dhaafey, adigoo lasaftey beeshaada xaquuq eysan leheena siisey, taas oo keenikarta dadkii walaalaha ahaa oo wada degnaa inaad xumaato kudhax abuurto iyo kalsoonidaro .

4- waxaan Ku baaqeynaa in xurayadiisa lasiiyo Sheikh Mukhtar Roobow sida ugu dhaqsiyaha baddan hadii aan taas lahelina doorasha inaan kadhici doonin Koonfur galbeed.

5- Waxaan baaq deg deg ah halkaan ugu direynaa: Qaramada, Midowga Yurub, Midowga Afrika, Urur gobeleedka Geeska Afrika iyo kuwa daneeya arimaha Soomaaliya inaan lagu kalsoonaan karin doorashada ka dhaceysa Koonfur galbeed, sidaas darteeda waxaan rabnaa inaan idinka qabtaa si beelihii colaada isku diyaarinaayi arintooda looxaliyo.

6- mar labaad waxaan cambaareyneynaa Fariinta Madaxweyne Laftagareen usoo diro xildhibaanada hada kuraasta Ku fadhiya asagoo ugu caga jugleynaayo inaaney isku soo sharaxin ama helidoonin kursiga xildhibaanimo, hadaba waxaa u sheegynaa inaan wax isdaba maris aan laga aqbali doonin islmarkaana kuraasta beeshu eyleedahay cidii ay u aragto inuu metelikarna u doorato.

7- waxaa kaloo baaq u direynaa ciidamada AMISOM ee kusugan Koonfur Galbeed iney dhax dhaxaad ka ahaadaan arimaha Soomaaliya aan la safanin qof umadda aan u cadaalad faleyn.

8-Beeshu marar badan ayaa isku deydey iney fariin u dirto ama lakulanto Madaxweyne Laftagareen ilaa iyo hadana wax jawaab ah kuma haayno, sidaas darteed waxaa noo muuqata in Madaxweynuhu umadda aan kala dhax dhaxaadin karin, sidaa owgeed waxaan ugu baaqeynaa beelaha wada dega Koonfur Galbeed iney aayahooda ugu tashadaan dibna ugu fiirsano kamid ahaashaha maamulka qalafsan oo meesha yaalo.

Ugu dambeen waxaan ka digeynaa in dagaal sokeeyo umadda loo celin natiijo boob doorasho awgeed taas oo aan la huridoonin!.

Wabillaahi towfiiq.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -