Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal oo War-Saxaafadeed soo saaray (Akhriso)

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) wuxuu soo dhoweynayaa natiijada doorashadii Aqalka Sare ee maanta oo Isniin ah, 2-da Agoosto,2021 ka dhacday magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meelgaarka ah ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Magacyada xildhibaannada la doortay maanta waxay kala yihiin:

  1. Zamzam Ibraahim Cali
  2. Ayaan Aadan Cabdulahi
  3. Aadan Cabdinasir Maxamed
  4. Maxamuud Maxamed Cabdinuur
  5. Dr Xuseen Maxamed Daahir

Guddiga oo gudanaya waajibaadka kaga aaddan doorashadan wuxuu ku ammaanayaa dhammaan dhinacyadii gacanta ka geystay qabsoomidda doorashadan.

Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Md. Maxamed Xasan Cirro, wuxuu ku ammaanay Dowlad-goboleedka Jubbaland oo hormood ka noqotay bilaabida doorashooyinka dalka, isla markaana wakhtigeeda ku bilowday, sidoo kale dowlad goboleedka Koonfur Galbeed inay tusaale wanaagsan u noqdeen dowlad-goboleedyada kale, ka dib markii ay soo doorteen laba (2) senator oo haween ah, kuwaas oo ka qeyb noqonaya Aqalka Sare, taas oo ka dhigeysa in haweenku ka yihiin 40% senatorrada la doortay.

Ugu dambeyntii, Guddigu wuxuu ugu baaqayaa dowlad-goboleedyada kale inay iyaguna billaabaan doorashada Aqalka Sare si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay.

**DHAMMAAD**

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

War Deg Deg Ah: Qarax Weyn oo ka dhacay Muqdisho iyo Rasaas xoogan dhaceysa

Cabdi Cade

Somali Swedish u soo dagaalamay Al-Shabaab oo xabsiga ugu dhintay COVID-19

Caydiid Ali

Madaxweynaha Ruushka oo Hanjabaad adag u diray labo dal oo katirsan Yurub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---