Somali Swedish u soo dagaalamay Al-Shabaab oo xabsiga ugu dhintay COVID-19

Waxaa xabsiga Lompoc oo ku yaalla gobolka California ee dalka Mareykanka ku geeriyooday Maxamed Yuusuf oo ahaa 37 sano jir Soomaali ah oo heystay dhalashada dalka Sweden Sida uu qoray wargeyska Ksbynews.

Mohamed Yuusuf oo ku eedeysnaa, loona xukumay danbiyo la xiriiro falal argagaxisnimo ayaa u geeriyootay xanuunka Covid-19 oo maalmihii la soo dhaafay uu la il darnaa.

Wargeyska Expressen ee dalka Sweden ayaa sidoo kale qoray in Mohamed Yuusuf lagu xukumay 11 sano oo xabsi ah, kadib markii ay maxkamad ku taalla Mareykanka ku heshay denbi ahaa inuu u soo dagaalamay Al shabaab.

Nnkan ayaa xabsiga ku qaatay labo sano, iyadoo Isniintii lasoo dhaafay ay ilaalada xabsigu sheegeen inay qolkiisa ka heleen Mohamed oo miyir beelay, waxaana lagu guuldareystay isku day ay dhakhaatiirta ku doonayeen inay ku badbaadiyaan nafta muwaadinka Soomaaliga ah.

Nin ay saaxiibo ahaayeen wiilkan geeriyooday oo la yiraahdo Mohamed walaal ayaa TV-ga qaranka dalka Sweden u sheegay in Maxamed Yusuf uu la xiriiray 11 maalmood ka hor, ayna xaaladiisu markaas fiicneyd, uuna faraxsanaa.

Maalintii xigtay ayuu sheegay inuu lasoo xiriiray hooyadiis, uuna ku wargaliyay, inuu dhib ku qabo neefta, isagoo xusay inuu rajeynayo inuu daawo helo.

Maxaabiista ku jirtay xabsiga uu Maxamamed ku geeriyooday ayaa intooda badan waxaa ku dhacay xanuunka Covid-19,  Waxaana hadda socoto dacwad maxkamad lala tiigsanayo maamulka xabsiga iyo kan gobolka oo lagu eedeynayo iney ka gaabiyeen daryeelka maxaabiista.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -