(Akhriso) Rooble oo shir deg deg ah isugu yeeray Guddiga doorashada Gobolada woqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed xuseen Rooble ayaa shir deg deg ah bari isugu yeeray guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi.

Talaabadan ayaa ka dambeysay ka dib markii uu fashil ku dhamaaday kulan uu maanta la lahaa Guddoomiyaha Aqalka sare iyo ra’iisul wasaare ku xigeen dalka kaasoo looga hadlay xal u helista doorashada hoggaanka guddiga doorashada gobollada Woqooyi.

“Xafiiska Ra’iisul Waraaraha JFS waxa uu farayaa Dhamaan Xubnaha Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland in aad kasoo qayb gashaan kulan muhiim ah oo uu idinku yeedhay Ra’iisul Waraaraha Maxamed Xuseen Rooble oo kana dhacaya xafiiska Ra’iisul Waraaraha maalinta salaasada 03-08-2021 saacada markay tahay 11:00, waxa la idinku adkaynayaa iyo qaybgalka ilaalinta waqtiga” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Rooble.

Guddiga doorashada xubnaha gobolada woqooyi ayaa u kala jabay labo garab oo ay kala hogaamiyaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed oo ku loolamaya cida hogaamineysa doorashada.

Dhan kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed xuseen Rooble, ayaa dowlad goboleedka Koonfur galbeed ugu hambalyeeyay bilaabista doorashada Aqalka sare.

Rooble ayaa dowlad goboleedyada kale ku booriyey inay bilaaban doorashada Aqalka sare.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA ROOBLE

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -