Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlada Somalia oo diiday in Midowga Afrika dhexdhexaadin ka galo kiiska Badda

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya aysan aqbali doonin dhex-dhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Max’ed C/risaaq ayaa hadalkan jeediyey isagaoo ka jawaabayay warqad la sheegay in Midowga Afrika ay ku muujiyeen inay doorkaas ciyaari karaan.

“Kiiska badda waxaa uu yaallaa Maxkamada caalamiga ah ee ICJ, Somalia waxay ku qanceysaa oo kaliya go’aanka Maxkamada ee haatan la sugayo, umana furna Midowga Afrika iyo cid kale toona, Soomaaliyana ma aqbaleyso,” ayuu yiri Wasiirka.

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa sheegay in xiriirka Somalia iyo Kenya uu haatan soo hagaagayo.

“Waxaan soo celinay xiriirkii diblumaasiyadeed, muddo lix bilood ah wax xiriir ma aanan laheyn, ma ahan oo kali ah in xiriirka diblumaasiyadeed uu soo laabtay balse dhammaan wada shaqeyntii ayaa soo laabatay” ayuu yiri wasiirka

Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa qayb ka ahaa wafdigii uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ee dhawaan magaalada London uga qayb galay shirkii caalamiga ahaa ee horumarinta waxbarashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

(Sawirro) Laftagareen oo dayuurad ku tegay degmo ay go’doomisay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Cabdi qaasim: “Al-Shabaab Waa Mushkilad ku gudban dadka iyo dowlada”

Caydiid Ali

Shirkii abaaraha Geeska Afrika oo ka furmay Gineva & Rooble oo khudbad ka jeediyey (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---