Madaxweyne Qoor Qoor oo Imtixaan adag maraya iyo Liiska Musharaxiinta uu soo saarayo oo…

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa la filayaa in uu soo saaro liiska Musharaxiinta ku tartameysa 8-da kursi ee Aqalka Sare ku leedahay dowlad Goboleedka Galmudug.

Qoor Qoor oo horey u sheegay in uu isku wadayo siyaasiyiinta mucaaradka iyo kuwa muxaafidka ayaa markan waxaa horyaala imtixaan adag oo isha lagu hayo sida uu uga gudbi doono ama ugu dhici doono.

Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu soo waramayaa in uu cadaadis xoogan kala kulmayo Madaxtooyada Soomaaliya oo usoo gudbisay xuvbnaha liiska laga reebayo doorashada Aqalka Sare iyo kuwa ay dooneyso in lasoo saaro.

Qoor Qoor ayaa sidoo kale cadaadis kala kulmaya qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha iyo siyaasiyiin saameyn ku leh Galmudug kuwaa oo dhankooda ku cadaadinaya in liiska ku daro musharaxiin saameyn leh oo kasoo horjeeda Farmaajo.

Doorashooyinka ka dhacaya Kismaayo iyo Baydhabo ayaa ka duwan mida ka dhaceysa magaalada Dhuusomareeb, waxaana Galmudug jooga siyaasiyiin saameyn iyo awood badan ku dhax leh kuwaa oo xaalado kale abuuri kara.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in Madaxweyne Qoor Qoor heesato laba daran mid dooro in uu toos u raaco Farmaajo iyo Villa Soomaaliya iyo in uu la safto Musharaxiinta mucaaradka uuna qoro xubnaha ay wataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -