Allbanaadir.com
NEWS

Muxuu RW Xamse ka yiri Shirkii Wadatashiga ee galabta la soo gebagebeeyey?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tallaabo hore loo qaaday ku tilmaamay War-murtiyeedka Shirka Wadatashiga ee u dhexeeyey  Madaxda Qaranka iyo Madaxdii hore ee Dalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa  sheegay in Xukuumadda Dan-Qaran ay soo dhoweyneyso talooyinka wax-ku-oolka ah ee shirka iyo guud ahaan kuwa ka imaanaya dadka Soomaaliyeed, si loogu biiriyo hiigsiga Xukuumadda ee ku addan amniga guud ee dalka, doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka iyo ciribtirka kooxda e Al-Shabaab.

Waaxaa magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay kulanka Wadatashiga ee u dhaxeeyay Hay’adaha Dastuuriga ah ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud,  madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka.

Shirka oo socday muddo labo cisho ah ayaa qodobadii looga hadlay waxa ay u badnaayeen arrimaha masiiriga ee dalka, gaar ahaan heshiisyada ay gaareen Golaha Wadatashiga Qaranka, waxaana ka mid ahaa qodobadii talooyinka laga dhiibtay ku saabsanaa heshiisyada Golaha Wadatashiga Qaranka.

 

Related posts

DF oo wafdi u dirtay Magaalo ay ka jirto dhibaato culus (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Arrimaha Dibadda DFS oo wadahadal la yeeshay Therese Kayikwamba

Cabdi Cade

Dad cabsi badan ka qaaday Sawir Libaax oo goob beer ah ku arkeen (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---