Dowladda Somalia & dowlad goboleedyada oo War ka soo saaray canshuurta Gadista

Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho Wasiirada Maaliyadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Dowlad Goboleedyada ayaa  looga hadlay dar-dargelinta arrimaha hanaanka qaadista canshuuraha Dalka iyo sidii loo midayn lahaa, iyagoo maanta si gaar ah uga wadahadlay kana heshiiyay mideynta casnhuuraha Gadista.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/raxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay kulanka kadib ayaa faahfaahiyay go’aanadii ka soo baxay shirkooda.

“Ajandaha maanta waxaa uu ahaa inaan isla garanno wixii inooga hirgalay heshiisyadii hore, gaar ahaan waxaan aad uga wada hadalnay canshuuraha iyo Maliyadda dalka oo mas’uuliyadeena ah, ha noqoto Gobolka Banaadir ama Gobolada kale ee xubinta ka ah Federaalka, waxaa kale oo maanta aan isla garannay sidii loo midayn lahaa canshuuraha  qaarkood gaar ahaan canshuuraha gadista, waxaa kaloo aan isla-garanay in khayraadka iyo qeybtooda iyo sidii loogu talagalay aan ku heshiinay  anaguna raacsanahay, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir sidii la isugu keeni lahaa mustaqbalka ayaan ka wada hadalnay iyo in Baarlamaanka aan hor geyno sharciga canshuuraha dalka oo midaysan”.ayuu yiri Wasiir Beyle.

Shirkani ayaa daba socda shirar ka horeeyey oo ku saabsan mideynta hanaanka qaadista canshuuraha kala duwan ee dalka, kaasoo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -