Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Wararkii Ugu Dambeeyay Doorashada Aqalka Sare ee maanta ka dhaceysa Baydhabo

Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed ka dhacdo Doorashada xubno katirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta dooranaya shan kursi oo kamid ah Kuraasta Aqalka Sare ee ku leedahay Koonfur Galbeed, waxaana shantan kursi ku tartami doona ilaa 10-musharax uu soo xulay Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Doorashada ka dhaceysa magaalada Baydhabo ayaa lagu soo waramayaa in aysan xiiso badan laheyn, waxaana inta badan musharaxiinta tartameysa yihiin kuwa aad ugu dhaw Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Musharaxiinta qaarkood ayaa wata xubno la tilmaamay in malxiis u yihiin kuwaa oo laga yaabo qaarkood inta aysan doorashada bilaaban in ay tanaasulaan si musharaxa wata uu  uusan qal qal u dareemin.

Doorashada Aqalka Sare ee bilaabatay ayaa u muuqata mid ku bilaabatay qaab musuq maasuq ah, waxaana inta badan xubnaha kamid noqonaya Aqalka Sare ku imaanayaan xulashada Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nuqul ka mid ah Kitaabka Quraanka oo lagu gubay ka soo horjeedka Safaarada Masar

Caydiid Ali

(Akhriso) C/wali Gaas oo dalacsiiyey qaar ka mid ah Saraakiisha ciidamada Puntland

Caydiid Ali

Ra’iisul Wasaare Khayre oo booqasho kadis ah uga bilaabatay Magaalada Kigali (Daawo Sawirro)

admin
Taboola Ads ---