Qaraxyo dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qaraxyo loo adeegsaday Bam gacmeedyo ayaa caawa lagu weeraray fariisin ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladdu ku leeyihiin Isgoyska Howlwadaag ee Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in rag hubeysan ay labo bam ku weerareen ciidamo Boolis ah oo dhowaan halkaas la geeyey, kuwaasoo xiliga qaraxyada lagu soo weerarayey ku howlanaa baaritaanka gaadiidka mara isgoyska H/wadaag.

“Waxaan mar qura maqalnay qaraxyo daran-doori ah oo lagu weeraray Isgoyska Howlwadaag ciidamo ku sugnaa, intaas ka dib rasaas fara badan ayay ciidamadu rideen, wadadana way xireen, inkastoo ay markii dambe xaaladu caadi ku soo laabatay” ayuu yiri goobjooge ka tirsanaa dadka degan agagaarka isgoyska H/wadaag oo warbaahinta la hadlay.

Qaraxyada ka dib xaalada isgoyska H/wadaag ayaa noqotay mid jahwareersan, waxaana la xiray goobihii ganacsiga, kala carar ayaana halkaas ka dhacay.

Hay’adaha ammaanka ayaa sheegay in weerarkan ay ku dhaawacantay qof dumar ah, taasoo xilliga uu weerarka dhacayay mareysay wadada, sidoo kalena aysan jirin cid kale oo wax ku noqotay.

Balse warar madax banaan oo saxaafadu ay heleyso ayaa sheegaya in ugu yaraan labo ruux ay ku naf waayeen qaraxyadaas kuwaasoo isugu jiray askari iyo qof shacab ah oo goobta marayey, halka dhowr qof oo kale ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada ammaanka ayaa caawa Howlgallo amni xaqiijin ah ka wada xaafadaha ku dhaw Isgoyska Howlwadaag, iyagoo ku daba jira raggii ka dambeeyay weerarkan oo loo  maleynayo in ay ka tirsan yihiin ururka Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -