Madaxweyne Erdogan oo taageero nooc kasta u muujiyey Ra’isul-Wasaaraha Ethiopia

Madaxweynaha dalka Turkiga, Rajab Dayib Erdogan waxa uu xalay Khadka Telefoonka kula hadlay RW Ethiopia, Abiy Ahmed Ali, waxa ayna kawada hadleen Xiriirka labadooda dal iyo Dhacdooyin-Gobaleedka ugu dambeeyey.
 
“Turkiga waxay qiimeeyaan Nabadda iyo Deganaanshaha Ethiopia, isla markaana waxay Dowladda Turkiga diyaar u tahay inay Ethiopia siiyaan dhamaan nooc kasta oo taageero ah, si loo hubiyo Nabadda Ethiopia” ayuu Madaxweyne Erdogan carrabka ku adkeeyey.
 
Is-maqalka Erdogan iyo Abiy Ahmed ee ay Xalay kaga xajoodeen Xiriirka labadooda dal iyo Ballanqaadka Taageeradda buuxda waxaa lagu xaqiijiyey Hadal-qoraal oo ka soo baxay Agaasinka Isgaarsiinta ee Madaxtooyada dalka Turkiga.
 
Isbahaysiga dhow ee uu Madaxweynaha Turkiga u muujiyey RW Ethiopia waxa uu ku soo beegmay iyadoo ay RW Abiy Ahmed ku faruuran yihiin Mowjado Colaadeed iyo kuwo Siyaasadeed ee Gudaha iyo Dibedda dalkaasi.
 
Dhanka kale, Xafiiska RW Ethiopia iyo Warbaahinta dalkaasi weli ma soo hadal-qaadin Wada-hadalka Khadka Telefoonka ee Abiy Ahmed Ali xalay la yeeshay Madaxweynaha Turkiga, Rajab Dayib Erdogan, iyadoo Xiriirkaasi uu dareen xooggan ku abuuri karo Hoggaamiyayaasha Dowladaha ay xifaaltamaan Turkiga iyo Ethiopia, gaar ahaan Dowladaha Masar iyo Sudan oo ay Ethipia isku haystaan Saami-qeybsiga Biyaha Webiga Nile iyo Dhismaha Biyo-xireenka Ethiopia ee GERD.
 
Murankaasi ayaana laga cabsi qabaa inuu isku bedelo Gacan-ka-hadal saamayn ku yeesha Ammaanka Guud ee Mandiqadda.
Isku-soo-dhawaanshaha Turkiga iyo Ethiopia waxaa kaloo laga yaabaa inay Turkiga ku sii kala fogaadaan Dowladda Masar oo Xasaasiyad Diplomaasiyadeed u aragta Tageerada iyo magan-siinta Turkiga ee qaar ka mid ah xubnaha Ururka Akhwaanul-Muslimiinka ee laga mamnuucay Masar.
 
W/Q Ustaad Nuradin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -