Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Qaraxii Ciyaartoyda lagu laayay ee ka dhacay Kismaayo

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee ku shahiiday qaraxii argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa tilmaamay in falkaas arxandarrada ah uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu yihiin nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed iyo guud ahaan horumarka dalkeenna.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya gumaadka haldoorkeenna”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey dhallinyaradii ku geeriyootay qaraxan bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, dhallinyarada kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna in Eebbe u boogo dhayo.

Related posts

Baarlamaanka Soomaaliya oo Kulan Muhiim ah maanta yeelanaya

admin

Xaaf oo mar kale dib ugu laabtay Dhuusomareeb uu safar deg deg ah uga baxay

Cabdi Cade

Sheekada Haweeneyda hab siisa geedaha si ay uga bogsato walbahaarka nolosha!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---