Xaaf oo mar kale dib ugu laabtay Dhuusomareeb uu safar deg deg ah uga baxay

Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo labo maalin kahor gaaray magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa maalin kadib si deg deg ah ugu laabtay Gaalkacyo.

Dad badan ayaa shaki galiyay safarka deg deg ah uu Xaaf uga baxay magaalada Dhuusomareeb uu saacado yar un joogay, hasa ahaatee Xaaf ayaa xalay mar kale dib ugu laabtay magaalada Dhuusomareeb.

War kooban oo kasoo baxay Xafiiska Madaxweynihii hore ee Galmudug ayaa lagu sheegay in arimo isaga u gaar ah ugu ambo baxay magaalada Gaalkacyo oo mudooyinkii dambe Xaaf u aheyd saldhig.

“Madaxweyne xaaf safar u gaar ah ayuu ugu baxay gaalkacyo, dib ayuuna ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf.

Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf ayaa la filayaa inta uu joogo magaalada Dhuusomareeb kulamo kala duwan la qaato Madaxda Galmudug iyo qeybaha bulshada, waxa uuna sheegay dhawaan in uu u tanaasulay danta Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -