Dowlada Ukarine oo Diyaarad Dab damis ah ku taageereysa Dowlada Turkiga

Qoraal uu Madaxweynaha Yukrayn,Volodymyr Zelensky uu Maanta oo Jimco ah soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay inay Diyaaradaasi berrito oo Sabti ah u duuli doonto Turkiga, si ay taageerto Hawlgallada lagu daminayo dabka qabsaday dhulka Kaymaha ee Deegaanka Mavangat ee Bariga magaallada loo dalxiis tago ee Antalya.

Dabka oo Arbacadii ka kacay Deegaanka Mavangat ayaa shalay lagu guuleystay in la damiyo, iyadoo ay dabaylo xooggan iyo cimilada oo kulul sababta Ololka Kaymahaaasi.

3 qof ayaa la xaqiijiyey inay geeriyootay, halka ay 122 malena ku dhaawacmeen dabkaasi, iyadoo Guud ahaan 41 goobo karyn ah uu dabku ka ololayey 13 Gobal labadii maalmood ee la soo dhaafay.

31 goobo ayaa lagu guuleystay in la xakameeyo sable ka kacay.

“Yukrayn waxay Turkiga siinayaan dhamaan Taageerada lama huraanka ah. Diyaaradeena Dab-damiska waxay berrito oo Sabti ah u duuli doonta Turkiga. Dadka Reer Yukrayn waxay si wadajir ah u garab istaagi doonaan Saaxiibadooda Walaalsha Turkishka ee Xilligan Adag” ayuu Madaxweyne Zelenskyy ku yiri Twitter-kiisa.

Madaxweynaha Yukrayn waxa uu dhigiisa Turkiga, Rajab Dayib Erdogan uga Tacsideeyey khasaaraha ka dhashay dabka ballaaran ee ololayey dhul ballaaran oo karyn ahayd.

Khamiistii shalay, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Yukrayn, Dmytro Kuleba waxa uu sheegay inay Wasaaradiisa la shaqaynayso sidii Muwaadiniintooda looga soo daad-gureeyeey lahaa Turkiga, haddii ay xaalladaha sii xumaadeen.

 

- Advertisement -