Waare oo Dhagax Dhig sameeyay iyo Jaamacad lagu wareejiyay Dowlada (Sawirro)

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa  Magaalada Beledweyne ka dhagaxdhigay Sedex iskuul oo muhiim u ah Tacliinta Guud ahaan Hirshabelle waxaana dhagax dhiga goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo xildhibaanada labada Aqal ee ka Soo jeeda Deegaanka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya mudane Cabdullaahi Goodax Barre ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Hirshabelle sida ay ugu garab istaageen fulinta mashaariicdani lagu dhisayo Dugsiyo Waxbarasho oo si lacag la aan ah wax loogu barayo ubadka Soomaaliyeed, waxaana uu xusay marka ay dhisaan dugsiyadani in dib ay ugu soo celin doonaan Hirshabelle.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay muhiimada iskuuladani oo laba ka mid ah ay yihiin dugsi hoose dhexe iyo Sare, midna uu yahay dugsi lagu tababarayo, waxaana mashaariicdani ay yihiin kuwa muhiimad gaar ah u leh bulshada Hirshabelle, waxaana wasaaradda Waxbarashada Dalka, uu kaga mahadceliyay dadaalka ay u gashay fulinta mashruucani lagu horumarinayo tacliinta Gobolka.

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare Ayaa Wasiirka waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dalka mudane Cabdullaahi Goodax bare ku Wareejiyay jaamacadda Hiiraan University ee Beledweyne si ay u noqoto Jaamacadda Umadd Soomaaliyeed qeybteeda Hiiraan, waxaana talaabadani ay tahay muhiim u ah Ardayda Ku dhaqan Guud ahaan Hirshabelle Gaar ahaan Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Hoos ka Daawo Muuqaalka wararka Shabakadda Allbanaadir Online 24 saac kasta

- Advertisement -