Sidee Bay Ugu Suuraggashay Imaaraadka Inuu Faraha La Galo Siyaasadda Donald Trump?

Jimcihii July 23, 2021 ayaa lacag dhan 250 malyan doolar oo damiin ah lagu sii daayey bilyaneer Thomas Barrack, oo tan 1980kii saaxiib dhaw la ahaa Donald Trump. Eedeysanuhu waxuu si qarsoodi ah ugu dhaqmayay sida qalqaaliye (lobbyist) shisheeye isagoo aan shaacin inuu qalqaale u ahaa Imaaraadka intii u dhexeesay April 2016 ilaa April 2018 (Vanity Fair 20/07/2021).

Thomas Barrack oo ahaa guddoomiyihii guddigii caleemasaarka Madaxweynihii hore Donald Trump iyo kaaliyihiisii Nathan Grimes waxaa lagu heystaa inay jebiyeen Sharciyada Qalqaalinta Shisheeye (Foreign Lobbiying Law) kaddib markii ay saameyn ku yeeshay wax dacwad oogeyaashu ku tilmaameen inuu yahay “xudunta dimuqraadiyada [Mareykanka].”

Sida ku xusan eedeymaha afar sarkaal oo Imaaraadka ka tirsan ayaa u xilsaarnaa qaabaynta siyaasadda arrimaha dibedda ee Trump kuwaas oo si isdaba joog ah uga faa’iideystay saxiibtinnimadii Barrack iyo sida fudud ee uu u heli karay Donald Trump.

Xeer-ilaalinta ayaa ku tilmaamtay Barrack inuu yahay khatar duulimaad oo aad u weyn, isagoo ugu yaraan ah “shaqsi aad hodan u ah oo awood leh kuna xiriira Lubnaan, Sacuudiga iyo Imaaraadka.” Eedeysanaha ayaa ku bixi kara diyaaraddiisa khaaska ah waxuuna xiriir la leeyahay dalal aan heshiisyada isucelinta maxaabbiista kala dhexeyn dalka Mareykanka.

Ganacsade Rashid Sultan Rashid Al-Malik Alshahhi oo u dhashay Imaaraadka oo uu Barrack ugu magac daray “hubka qarsoon ee Imaaraadka” ayaa la sheegay inuu isku xirayey madaxda ugu sarreeya Imaaraadka iyo Mareykanka. Rashid Al-Malik oo aad ugu dhaw Amiirada Imaaraadka ayaa dalka Mareykanka ka tegay seddax maalmood ka dib markii 2018 FBI-da su’aalo weydiisay (Politico 23/07/2021).

Sharciga Mareykanka waxuu qeexayaa in la shaaciyo dhammaan dadaallada saameynta ku yeelan kara siyaasadda qaranka iyadoo wakiil laga yahay hay’adaha amase dowladaha shisheeye. Saddexda nin ayaa lagu eedeeyay inay qalqaalinayeen daanaha Imaaraadka Carbeed iyagoo diyaariyay waxyaabaha Abu Dhabi ay si gaar ah uga danayneyso siyaasadda dibedda.

Warka sheegaya in Imaaraadku faraha la galay siyaasadda dibedda ee Mareykanka ayaa soo ifbaxay 2018 markii taxane email-o sir ah si sharci darro ah loo shaaciyey (leaked) ay muujiyeen in Trump si qarsoodi ah uga ballanqaaday Danjire Imaaraadka u fadhiga Washington, Yousef al-Otaiba in maamulkiisa uu qalbiga ku haynayo danaha Imaaraadka.

Muddadii uu la talinayey Trump iyo saraakiisha arrimaha dibedda ee Mareykanka, waxaa la sheegayaa in Barrack uu dabajoogay in la siiyo doorka “Ergayga gaarka ah ee Bariga Dhexe,” taas oo Imaaraadku laftoodu la doonayeen. Sidoo kale waxaa lagu soo waramayaa inuu Imaaraadka uu la socodsiinayay arrimo xasaasi ah sida mowqifka saraakiisha sarsare ee Mareykanaka ay ka qabaan go’doominta Qadar (Salon 07/21/2021).

Email sir ahaa oo si sharci darro ah loo shaaciyey (leaked) ayaa muujinaya in Imaaraadku oo adeegsanaya Elliott Broidy ay ku lug lahaayeen in la eryo Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Rex Tillerson kaddib markii uu taageeri waayey mowqifkii xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka (BBC 5/03/2018). Xoghaye Tillerson waxay isku mowqif ahaayeen dalalka Kuwait, Cuman iyo Soomaaliya oo dhexdhexaad ka noqday khilaafka khaliijka.

Halka galaangalka dalalka hodanka ku ah shidaalka, gaar ahaan Imaaraadka iyo Sacuudiga uu gaaray ayey eedeynta qalqaalinta sharci darrada ah ee bilyaneerka tusaale u ah.

Haddii Imaaraadku awooday inuu ka dhexfuliyo dalka Mareykanka olole (qalqaalin) saameynayay siyaasadiisa dibedda iyagoo aan isdiiwaangelin laguna ciqaabin falkaas, maxay kula tahay inay kula kici doonaa dimuqraadiyadda curdunka ah ee Soomaaliya?

W/Q CabdulQadir Cariif Qassim

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -