Allbanaadir.com
NEWS

Soomaali Careesan oo jartay Khadka tareenka ee isku xira Itoobiya iyo Jabuuti (Sawirro)

Dhalinyaro kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa jaray khadka tareenka isku xira dalalka Itoobiya iyo Jabuuti , kadib markii dhagxaan iyo biro u xireen qeybo kamid ah khadka ay maraan tareenada.

Masuuliyiin katirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa xaqiijiyay inĀ  dhalinyaro ka careesan dagaalka ka socda Degmada Garba Ciise ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Canfarta xireen khadka tareenada ku socdaan.

Dowlad deegaanka Soomaalida ayaana ku guul dareestay in ay furaan khadka isku xira magaalada Adis Ababa iyo dalka Jabuuti , waxaana hakad la galiyay tareenadii inta badan wadadaasi isticmaali jiray.

Muuqaalo iyo sawirro baraha bulshada lagu baahiyay ayaa muujinayay dhalinyaro careesan oo dhagxaan adag iyo biro ku jaray khadka tareenka, waxa ay sidoo kale fur fureen qeybo kamid ah biraha ku jira jidka tareenka.

Khadka tareen ee isku xira Jabuuti iyo Itoobiya ayaa muhiim u ah dalka Itoobiya aan laheyn wax dekad ah, waxaana inta badan tareenada lasoo saaraa alaabaha Itoobiya kala soo degto dekadaha Jabuuti.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo) Heshiisyadiii taariikhda galay iyo dhaqan galkii heshiisyadii nabadeed ee Soomaaliya !!

admin

Dood kulul:-Yaa hortaagan Nabada Maamulka Galmuduig !! Qaybta 4aad

admin

Ciiddamo ka tirsan kuwa Khaaska ee UK oo Yemen u tagay Fulinta Howlgal gaar ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---