Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo maanta la daah furay (Sawirro)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Daah-furay shirweynaha horumarinta waxbarashada Puntland oo socon doona muddo saddex maalmood ah.
 
Madaxweynaha ayaa goobjoog ka noqday warbixinta Wasaaradda Waxbarashada soo bandhigtay oo ku dhisan shaqada la qabtay, mida socota iyo qorsheyaasha mustaqbalka ee horumarinta Waxbarashada Puntland.
 
Madaxweyne Deni wuxuu bogaadiyay shaqada socota iyo qorshaha horumarinta ee degan, wuxuuna muujiyay sida ay Dowladda uga go’antahay in horumar fiican laga gaaro Waxbarashada oo ka mid ah adeegyada Bulsho ee Puntland ay guulaha ka gaartay.
 
Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare ee DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland, Masuuliyiinta Waxbarashada heerarkooda kala duwan, Ganacsato , Aqoonyahano, Waalidiin, Ardey iyo ururada Bulshada .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Amarkii Ra’isul wasaare Xasan Cali Khayre oo guud ahaan ka dhaqangalay dalka Soomaaliya !!

admin

Caruur Dhibaato ay kasoo gaartay indho-kuul ay marsadeen

Cabdi Cade

Madaxweyne Guudlaawe oo Neef Geel ah ugu deeqay ciidan dagaal kula jira Al Shabaab (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---