Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Guudlaawe oo Neef Geel ah ugu deeqay ciidan dagaal kula jira Al Shabaab (Sawirro)

Madaxweynaha  Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo xoojinaya howlgalka lagu ciribtirayo Kooxda Al Shabaab ayaa  deeq xoolo ah ku wareejiyay ciidamada dib u xoreynta ee sugan deegaanka Nuur-Dugle

Madaxweynaha oo goob fagaare ah kula hadlay boqolaal ciidamada dib u xoreynta deegaanka ee fadhigoodu yahay deegaanka Nuur Dugle ayaa ku bogaadiyay si nafhurnimada leh ay isaga dulqaadeen cadowga Al Shabaab , isagoo xusay in maanta looga baahan yahay baabi,inta cadowgaan dhibka ku haya shacabka Soomaaliyeed.

Cali Guudlaawe ayaa tilmaamay inay u taagan yihiin xoojinta iyo dhiirigalinta ciidamada ,isagoo xusay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo is garabsanaya ay wajihi doonaan ciribtirka Al Shabaabka ku dhuumaaleysanaya deegaanada u dhaxeeya Hirshabeelle iyo Galmudug.

Madaxweynaha Hirshabelle  ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay kaalin muuqata ka qaataan dhiirigalinta ciidanka qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee u taagan baacisiga kooxda Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dayuurad ciidamo siday oo ka degtay Baladweyne iyo Fahad Yaasiin oo ku sii jeeda

Caydiid Ali

Amar kasoo baxay Kheyre oo lagu joojiyay qorista Shaqaalaha isku bedelka (Akhriso)

Cabdi Cade

Puntland iyo Jubbaland oo War-saxaafadeed xasaasi ah ka soo saaray Muqdisho (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---