R/Wasaaare Rooble oo soo dhaweeyay Talaabo uu maanta Qaaday Axmed Madoobe

Ra’isul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo safar shaqo ku jooga dalka Ingiriiska ayaa soo dhaweeyay liiska musharaxiinta Aqalka sare uu maanta Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe u gudbiyay Guddiga doorashooyinka.

Qoraal Rooble uu soo saaray ayuu ku sheegay in uu bogaadinayo sidoo kale soo dhaweenayo talaabada uu maanta qaaday Madaxweynaha Jubbaland uu ku gudbiyay liiska musharaxiinta Aqalka sare.

”Waxaan madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo Guddiga Doorashada Jubaland ku bogaadinayaa soo gudbinta Liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee BFS iyo shaacinta jadwalka doorashada ” ayuu yii Rooble.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda Dowlad goboleedyada kale ee dalka ka jira in ay dedejiyaan doorashada gaar ahaan mida Aqalka sare ee dhawaan la filayo in dalka ka bilaabato.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -