Galmudug oo si adag uga hadashay Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Galbeedka Mudug

Maleeshiyaad hubeesan ayaa shalay weerar dad lagu dilay kuwa kalana lagu dhaawacay ka geestay deegaanka u dhexeeya Goldogob iyo Saaxa-wanaag ee Galbeedka gobolka Mudug , weerarkan ayaana salka ku haya aano qabiilo.

Wasiirka Amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkan lagu dilay labo ruux sidoo kale lagu dhaawacay qof kale, waxa uuna tacsi u diray Wasiirka ehelada dadka la dilay.

”Waxaan ka tacsiyadaynayaa Isla markaana cambaaraynayaa dilka ka dhacay shalay galab deegaanka u dhexeeya Goldogob iyo Saaxa-wanaag ee Galbeedka gobolka Mudug ee lagu beegsaday dad xoolo dhaqato ah ayna ku dhinteen 2 qofood, laguna dhaawacay qof kale.” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa weerarkan ku tilmaamay fidno cusub oo wax u dhimeysa xasiloonida deegaanka, waxa uuna ku baaqay in gacanta lagu soo dhigo kooxdii dilkaasi geesatay lana horgeeyo sharciga.

”Waa fidno cusub oo xasiloonida deegaanka iyo wada noolaasha dadka deriska leh lagu Qalaad-gelinayo, waxaan ku baaqaynaa in kooxdii danbigaas geysatay sharciga la horkeeno, baaritaan qoto dheerna lagu sameeyo xiriirka ka dhexeeya kooxaha deeganadaas mar walba dilalka ka geysta iyo argagixisada Shabaab.” ayuu yiri Fiqi.

Gobolka Mudug deegaano katirsan ayaa waxaa kusoo laab laabtay dilal salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana inta badan dilalkaasi isku geesta mararka qaarna dagaalama dadka xoolo dhaqatada ah ee kuwada nool deegaano katirsan Mudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -