Kulan ka dhacay Xarunta Gobolka Banaadir oo go’aan cusub laga soo saaray (Sawirro)

Waxaa maanta xarunta gobolka Banaadir kulan ku yeeshay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ,Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya, Wasiirka Dhalinyarada iyo Cayaaraha, Xiriika Kubadda Cagta iyo Xubno Kale.

Kulankan ayaa intii uu socday ayaa diirada lagu saaray ka shaqeynta Qabsoomida Cayaarta kala baxa Horyaalka Kubadda Cagta Soomaaliya ee dhex-mari doonto Kooxaha MMC iyo Horseed.

Falan qeyn iyo dood dheer ay yeesheen kadib ayey Madaxda shirtay waxa ay isku raaceen in Cayaarta u dhaxeysa MCC iyo Horseed ay dhacdo 2-da Bisha Augosto 2021, kana dhacdo Garoonka Eng. Yariisow Stadium.

Kulamadii hore ee horyaalka Soomaaliya ayaa ka socday garoonka kubada cagta ee Muqdisho, hasa ahaatee xaalad amaan iyo taageerayaasha oo gudaha u galay garoonka darteed ayaa looga wareejiyay kulankan adag ee dhax maraya Horseed iyo MCC.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -