Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne Trump oo cadeymo culus loo helay

Warbixin ay soo saareen guddiga baaritanka ku sameynaya madaxweynaha Mareykanka ayey ku sheegeen in caddeynta loo helay xil ka qaadista Donald Trump ee ah inuu awoodda si xun u adeegsaday ay tahay waa mid xad-dhaaf ah oo aan la inkiri Karin.

Trump wuxuu adeegsaday siyaasad ku saleysan dano shakhsiyadeed oo aan ahayn danaha qaranka Mareykanka, ayaa lagu xusay warbixin muhiim ah oo loo diray Aqalka Wakiillada Mareykanka.

Wuxuu sidaas sameeyay isagoo faragelin dibadeed ka dalbaday Ukraine, si ay uga caawiso in dib loo doorto 2020-ka, iyadoo Ujeedada warbixinta ay tahay in xafiiska laga saaro Madaxweynaha.

Ka hor inta aanan la shaacin warbixinta qabyada ah, Madaxweynaha oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga wuxuu weeraray Dimuquraadiyiinta hor-kacaya baaritaanka oo uu ku tilmaamay kuwo aan wadaniyiin ahayn”.

Ka dib markii la daabacay qoraalka caddeynta ah, Afhayeenka Aqalka Cad, Stephanie Grisham, wuxuu yiri Dimuquraadiyiinta waxay gebi ahaanba ku fashilmeen soo bandhigidda cadeyn muujineysa in qalad la sameeyay iyo in warbixinta ay muujineyso jahwareerka iyaga haysta oo keli ah.

Warbixinta waxaa hadda loo gudbinayaa Guddiga cadaaladda ee Aqalka Wakiillada kuwaasoo Arbacada billaabi doona hannaanka, waxayna eegayaan in mooshin dhab ah oo xil ka qaadis ah oo ka dhan ah Trump ay soo bandhigaan.

Trump ayaa beeniyay inuu qalad sameeyay, wuxuuna baaritaanka ku tilmaamay ugaarsi xun oo isaga ka dhan ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -