Kulan Dhax maray Rooble iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada oo fashil ku dhamaaday

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka ayaa xalay wada hadalo khadka Zoomka yeeshay, waxa ayna uga wada hadleen dardar gelinta doorashooyinka.
Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa shirkooda inta uu socday waxa ay diirada ku saareen khilaafka u dhaxeeya guddiga doorashooyinka  Somaliland, Hirgelinta soo jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada.
 
Sida aan wararka ku helnay Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa aad ugu kala aragti duwanaa arrinta Somaliland iyo sidii xal loogu heli lahaa , waxa ayna madaxda maamulada u kala qeybsameen labo garab oo kala taageersan dhinacyada Somaliland.
Kulanka aalada Zoomka ku dhax maray Ra’isul Wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaana kusoo dhamaaday natiijo la’aan, waxa ayna labada dhinac u balameen in kulamo kale yeeshaan.
Doorashada Soomaaliya gaar ahaan mida aqalka sare ayaa lagu waday in maanta maamul goboleedyada dalka ka bilaabato, mana jiro ilaa hada wax doorasho ah oo bilaabatay iyadoona dowlad goboleedka Jubbaland kaliya hada kasocoto qaban qaabo doorasho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -