Qalbi jabka qabiilka & qiyaaliga qalin-wadaha !! (Qormo Xaqiiqda ku saleesan)

Aduunka Dadka ku nool waxay tixgalin siiyaan dhulka ay kasoo jeedaan & deegaankooda asalka ah, Waxa ay la murugoodaan dayaca & dhibaatada ka jirta deegaankooda, waxayna ku farxaan guushiisa, iyagoo Mar walba Xisaabta koowaad ka dhigta sidii ay u dhowran lahaayeen xasilloonida una kobcin lahaayeen horumarka deegaankooda Asalka ah,

Soomaaliya oo maanta qaadatay Nidaamka federaalka, qof walbana lagu qiimeeyo qiimaha deegaankiisa, dadyowga Soomaaliyeed Waxay Xoogga saarayaan horumarinta deegaankooda Asalka ah, iyagoo maanka ku haya in awooddooda siyaasadeed ku xiran tahay Awoodda dhaqaale & tan siyaasadeed ee deegaanka ay Kasoo Jeedaan,

Marka lagasoo tago beelaha kale ee soomaaliyeed beesha Hawiye waxaa ku jirta Sadax awood oo leh Qiimaynta koowaad awood dhaqaalana ku leh Caasimadda magaalada Muqdisho,

Laba kamid ah beelahaas ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay u jihaystay Deegaanadooda asalka ah Si ay U xoojiyaan Amniga deegaanadaas, Waxayna howlgalo Nabadayn & dib u xorayn ku joogaan Gobolka Mudug & gobolka Shabeelaha Dhaxe,

Siyaasiyiinta beesha beesha Bariga Galgaduud dagto ayaa soo istaageen meel cidlo ah, Waxayna ku xaniban yihiin Caasimadda Muqdisho ,mana heestaan deegaan iyo dad ay matalaan oo ay wax u qabtaan.

Siyaasiyiinta beesha Bariga Galgaduud dagto & Sh/Hoose- qayba kamida Hiiraan iyadoo xili doorasho lagu jiro ma heestaan meel ay ku soo bandhigaan ololo’hooda doorasho waana tacab ka qasaaray inti ay ku jireen hogaanka siyaasada dadka iyo deegaanka ay matalaaan, ugu danbayn maxaa la gudboon beesha sidaas oo dhan ay u dayaceen?

W/Q Siciid Cabdi Faarax Qalable

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -