Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo maanta isku keenay Gudoomiye Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Ra’isul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay jawi wanaagsan oo ku saabsan arrimaha doorashada kuraasta Gobollada Woqooyi xafiiskiisa kula yeeshay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’isul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed .
Rooble ayaana labadan masuul oo kala hogaaminaya xubnaha guddiga doorashada ee gobolada Waqooyi kala hadlay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka u dhaxeeya xubnaha guddiga .
 
Wadatashi iyo gorfeyn ka dib waxaa la isla gartay in Guddoomiye Cabdi Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenku muddo kooban xal uga soo gaaraan kala aragti duwanaanshahooda arrimaha doorashooyinka si ay u qabsoonto doorashada xubnaha labada aqal ee gobollada Waqooyi.
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmahan waday dadaalo uu xal ugu raadinayay khilaafka soo kala dhax galay guddiga doorashada gobolada Waqooyi kuwaa oo labo garab u kala jabay sidoo kale doortay labo gudoon oo iska soo horjeeda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Turkiga oo qabtay Markab Ruush ah oo sida Qamadi laga soo xaday Ukraine

Caydiid Ali

Xukun dil ah oo maanta lagu riday Khadro Jaamac iyo Cabdinaasir Axmed (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble oo shaaciyey in Deni uu yahay Musharax Madaxweyne

Caydiid Ali
Taboola Ads ---