Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo maanta si weyn loogu soo dhaweeyay magaalada Garawe (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo maalmo badan safar ugu maqnaa dalka Kenya ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Garawe ee caasimada maamulka uu hogaamiyo.

Garoonka diyaaradaha magaalada Garawe waxaa si weyn ugu soo dhaweeyay Siciid Deni masuuliyiin sar sare ay ugu horeeyeen Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Gudoomiyaha golaha Wakiilada maamulkaasi.

Madaxweynaha Puntland ayaana loo galbiyay xarunta Madaxtooyada magaalada Garawe uu degan yahay halkaas uu kula kulmay madaxdii kala duwanaa ee soo dhaweesay kuwaa uu uga warbixiyay safaradii uu dalka kaga maqnaa.

Siciid Deni oo wararka qaar sheegayaan in uu doonayo in uu isku soo sharaxo xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maalmo badan ku sugnaa magaalada Nairobi halkaas uu ka waday olole siyaasadeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Somaliland oo baaq ka dhan ah Khaatumo u dirtay beesha Caalamka

Cabdi Cade

Shaqsigii bixiyay Amarka lagu dilay Madaxweynihii dalka Haiti oo la shaaciyay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminayo oo saakay kusii jeeda dalka …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---