Wasiir ka tirsan Xukuumada Rooble oo shaaciyey in Deni uu yahay Musharax Madaxweyne

Wasiirka qorshaynta Xukuumada federalka Soomaaliya, Jamaal Max’ed Xasan ayaa sheegay in Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni uu yahay musharax Madaxweyne, sidaas awgeedna ay tahay inuu faraha kala baxo arrimaha doorashada, lana mid noqdo musharaxiinta kale.

Wasiir Jamaal oo ka mid ah kamid ah saaxiibada Madaxweyne Farmaajo ayaa mudooyinkan waxaa khilaaf siyaasadeed oo muddo soo jiitamayey uu kala dhexeeyey Madaxweyne Deni.

“Madaxweyne Deni maaddaama uu yahay Musharax Madaxweyne, waa inuu faraha kala baxaa dhammaan arrimaha la xiriira doorashada & inuu si deg deg ah u joojiyo faragelinta arrimaha guddiyada farsamada doorashada. kama aamusnaan karno faro galinta qaawan iyo qaddarin la’aanta Puntland,” ayuu  yiri Wasiir Jamaal oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa twitterka.

Waxaa uu intaas in Madaxweyne Deni uu dib u dhigay ku dhawaaqistiisa musharaxnimo, si uu saameyn ugu sii yeesho oo u xakameeyo doorashooyinka ka dhacaya Puntland.

Odayaasha beelaha, wakiillada & musharixiinta Baarlamaanka ayuu sheegay iney muujiyeen walaac ku saabsan heerka ay gaarsiisan tahay wax is daba marin, cagajugleyn iyo faragelin uu doorashada ku hayo Deni.

Wasiir Jamaal ayaa ka mid ah xildhibaanada Golaha shacabka ee laga soo doorto Puntland, wuxuuna mar kale doonayaa inuu kursiga ku soo noqdo, iyadoo ay jirto cabsi uu ka qabo in Deni uu carqaladeeyo dib u doorashadiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -