Maamulka Gobolka Banaadir oo burburiyey guryo si sharci daro ah loo dhistay (Sawirro+Video)

Duqa Muqdisho Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yarisow) ayaa amar ku Bixiyay in Muddo 3 Maalmood ah lagu Burburiyo Garoonka Kubadda Cagta ee Kooxda Jeenyo oo xarun Danguud ah Ay Dhisteen Shaqsiyaad Gaar ah.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho ayaa uga digay in Xarumaha Dowladda ay leedahay Lagu Xad Gudbin Shaqsigii ku Xad Gudbaana Sharciga La Waa faji Doono

Sidoo kale waxa maanta la burburiyay dhul ku yaala Degmada Cabdicasiis gaar ahaan Kawaan Bari oo dad Shaqsiyaad ah ay ka dhisteen Guryo Meel aan Munaasab ahayn.

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Cumar Cabdirisaaq Xuseen oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dhismayaasha la burburiyay ay ahaayeen kuwo si sharci daro ah looga dhisay dhul danguud ah, waxaana uu xusay in dhowrjeer oo hore loo digay, balse dadka leh dhismayaashaas ay awaamiirta maamulka ka dhega fureysteen.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Eng. Yarisow  ayaa dhowaan digniin u diray dhammaan dadka degan dhulalkii danta guud sida Jardiinooyinkii iyo xarumaha dawladda inay sida ugu dhaqsiyaha badan u banneeyaan, ciddii awaamiirtan diidana laga burburin doono goob walba oo dhisatay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -