Gudoomiyihii Gobolka Nugaal oo u geeriyooday dhaawacii ka soo gaaray qaraxii caawa

Gudoomiyihii Gobolka Nugaal ee mamaulka Puntland Cabdisalaan Gujir ayaa goor dhow u geeriyooday dhaawacyo culus oo ka soo gaaray weerar ismiidaamin ah oo caawa fiidkii lala beegsaday gaarigiisa.

Duqa caasimadda Garoowe ayaa xaqiijiyey gaarida Gudoomiyaha oo ku geeriyooday Isbitaalka magaalada Garowe halkaasoo lagula tacaalayey xaaladiisa caafimaad.

Marxuumka ayey dhaawacyo culus ka soo gaareen dhinaca madaxa, waxaana la tacaalayay muddo saacado ah dhaqaatiirta qaliinka ee isbitaalka Garoowe oo dedaal badan sameeyey.

Nin miineysan ayaa isku qarxiyey gaarigiisa oo marayey agagaarka saldhiga magaalada Garoowe, waxaana weerarkaas ku dhaawacmay oo kale sarkaal ciidan iyo qoif shacab ah.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada weerarkan, iyagoo xusay iney ku dileen masuuliyiin ka tirsan Puntland, qaar kalena ku dhaawaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -