Sidee maanta Ciidul fitriga looga dabaaldegay Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka?

Magaalada Muqdisho iyo inta badan gobolada dalka Somalia ayaa maanta si isku mid ah waxaa uga socda dabaaldegyo loo sameynayo munaasabada maalinta 1aad ee ciidul Fitriga ka dib markii ay dhamaatay bishii barakeysneyd ee Ramadaan oo shalay ku ekeyd, taasoo dadka muslimiiinta ee caalamka ay soo guteen waajibaadka soonka oo ah mid ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Dadweyne fara badan ayaa saaka u dareeray masaajidada iyo goobo kale oo loo cayimay halkaasoo ay ku soo tukadeen salaadii ciidul fitriga iyagoo intooda badan ku lebisnaa dhar aad u qurux badan oo ay ugu talo galeen munaasabada ciida iney ku soo dhoweeyaan.

Dowlada Soomaaliya, Xarakada Al-Shabaab, Somaliland iyo Puntland iyo maamulada kale ee gobolada ka jira ayaa xalay waxay shaaciyeen iney maanta tahay maalin ciid ah bishii soonfureedna laga arkay degaano badan oo ka tirsan dalka, iyadoo madaxda dowlada iyo maamulada kale ee dalka ay shacabka ugu hamblayeeyeen munaasabada ciida.

Madaxda sare ee dowlada Somalia oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha, iyo xubno ka tirsan baarlamanka iyo xukuumada ayaa saaka kala qeyb galay boqolaal dadweyne ah tukashada salaada ciida oo ka dhacday masjidka isbaheysiga Islaamka, iyadoo la xiray wadooyinka masaajidka gala.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee nabad sugida iyo kuwa AMISOM ayaa lagu daadiyey min madaxtooyada illaa nawaaxiga masjidka Isbaheysiga Islaamka, si ay u xoojiyaan amaanka madaxda dowlada ee masjidkaas ku tukaneysay, waxaana dhowr meelood si adag loogu baarayaey dadka masaajidka galaya.

Markii la tukaday saaka salaada ciida oo ay ka horeysay takbiirta laga qaadayey masaajida ayaa waxaa wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho isugu soo baxay boqolaal iyo kumanaan dadweyne ah oo isugu jira rag, dumar iyo caruur wata lebisyo aad u qurxoon, iyagoo isku booqanaya guryaha oo lagu diyaariyey macmacaano loogu talo galay maalinta weyn ee ciidul Fitriga, waxaana dadkaasi ay isku marxabeynayeen ereyo ay ka mid yihiin ciid wanaagsan, ciid Mubaarak iyo kuwo kale oo fara badan.

Caruurta oo si gaar ah ugu dhex muuqatay dadka ayaa la arkayaa iyagoo wadooyinka ordaya oo ku lebisan dhar kala midab ah oo qurux badan, isla markaana ku ciyaaraya waxyaabo kala gedisan oo dhawaaqaya sida bastoolado, Firimbiyo iyo qalab kale oo loogu talo galay iney caruurtu ku ciyaarayaan, waxaana dadka ay ku faraxsan yihiin si aad ah munaasabada maalinta ciidul fitriga awgeed, iyadoo idaacadaha maxaliga ah ay sii deynayaan suugaan iyo barmaamijyo gaar ah oo loogu talo galay maalmaha ciida.

Hase ahaatee xaalad ka duwan xaaladaha aan kor ku soo xusnay ayaa waxay ka jirtaa xeryaha ay ku soo barakaceen dadka gobolada dalka ka soo hayaamay ee magaalada Muqdisho.

Dadka xeryahaas ka jira kama muuqato intooda badan waxyaabo muujinaya dabaaldega munaasabada ciida, sababo la xiriira duruufaha ay ku jiraan oo aan u saamexeynin awgood, waxa kaliya ee ay ka fekeraana waa sidii ay u heli lahaayeen nolol maalmeedkooda.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -