Allbanaadir.com
NEWS

Ku-xigeenka Axmed Madoobe & taliyaha Guud ee ciidanka Itoobiya oo..

Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowladda  Jubaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Adis Ababa ee dalka itoobiya ayaa kulan la qaatay  Taliyaha guud ee ciidamada Ethiopia Field Marshal Birhanu Jula.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda Amniga, sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka Al-shabaab, gaar ahaan deegaanada Dowladda Jubaland iyo isu socodka bulshada Kunool xuduudaha iyo nabad kuwada noolaanshaha bulshada labada Dal.

Arrimaha kale ee laga wada hadlay ayaa waxaa ka mid ah sidii Jubbaland looga taageeri lahaa dagaalka ay kula jirto Dowlada Somalia

Kulankaan waxaa Madaxweyne ku xigeenka koowaad Ku wehliyay Wasiirka Wasaarada Tamarta & Kheyraadka Biyaha Dowlad Jubaland, Mudane Axmed Baraaki (Zubeyr) iyo Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta & Teknolojiyada Jubaland Mudane Mascuud Cabdulaahi Axmed.

Kulankan ayaa ku soo aaday xili DF oo khilaaf adag uu kala dhexeeyo Jubbaland ay ku eedeysay Itoobiya iney saanad milateri ka dejisay magaalada Kismayo isla markaana ay fara gelin ku heyso arrimaha gudaha Somalia.

Related posts

Faahfaahino ka soo baxaya dagaal saacado socday oo ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Cabasho Xoogan oo kasoo yeertay Gaadiidleyda Xamuulka kasoo qaada Dekadda Muqdisho

Cabdi Cade

Golaha Wasiiradda oo meel mariyay Xeer muhiim ah iyo heshiis ay galeen Soomaaliya iyo Dalka…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---