Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xaalad adag oo soo wajahday haweenka Muslimiinta ah ee ka Xoogsada dalalka Yurub

Maxkamadda Caddaaladda ee Yurub ayaa Khamiistii xukuntay in shirkadaha ka dhisan dalalka ururka ay ka mamnuuci karaan shaqaalaha haweenka ah inay xirtaan xijaabka Islaamka.

Arrinta xijaabka lagu xirto madaxa, ayaa sannado badan ahayd mid lagu kala qeybsanaa guud ahaan dalalka Yurub, gaar ahaan sida ay Muslimiinta is dhexgal u sameyn karaan.

Kiiskan waxaa maxkamadda geeyay labo haween ah oo ku nool dalka Jarmalka kuwaasoo laga joojiyay shaqooyinkoodii kadib markii ay billaabeen xirashada xijaabka, oo Muslimiinta ay u arkaan in uu yahay qeyb ka mid ah diintooda.

Shirkaddii ay gabdhahan u shaqeynayeen ayaa u sheegay in arrintan aan la ogoleyn, waxayna lagu wargaliyay in xijaab la’aan ay shaqada yimadaan ama shaqo kale loo bedali doono.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Turkiga ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay xukunkan inuu astaan u yahay naceybka Islaamku sii kordhayo xilli ay sheegtay in haweenka Muslimiinta ah ee ku nool Yurub ay la kulmayaan takoor sii kordheysa oo ku saabsan caqiidadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sargaal katirsan maamulka Hirshabelle oo Dil argagax leh xalay ka geestay Jowhar

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo shirar xasaasi ah la qaatay beesha caalamka

Caydiid Ali

Trump oo sheegay in Biden uu lumiyey heybadii iyo cabsidii laga qabi jiray Maraykanka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---