Sargaal katirsan maamulka Hirshabelle oo Dil argagax leh xalay ka geestay Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada Maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in Maareeyihii garoonka Diyaaradaha Jowhar xalay dil laga argagaxay u geestay xaaskiisa.

Sida aan Wararka ku helnay Ibraahim Maxamed Cali (Cali Dheere) ayaa xalay xaafad uu ka degnaa magaalada Jowhar ku dilay xaaskiisa Jamiila Sheekh Cali oo la sheegay in ay aheyd xaamilo.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in lamaanahan uu soo kala dhax galay muran kadibna Ibraahin uu xaaskiisa ku dhuftay xabado ka dhacay biskoolad uu lahaa taa oo sababtay in ay geeriyooto Xaaskiisa .

Ciidamada amaanka maamulka Hirshabelle ayaa gacanta kusoo dhigay sargaalkan dilka argagaxa leh xalay magaalada Jowhar ugu geestay xaaskiisa, waxa ayna booliiska wadaan baaritaan ku aadan dilka.

Magaalada Jowhar ayaa saakay si weyn looga hadal hayaa dhacdadan naxtinta leh, mana ahan markii ugu horeesay muran qoys uu sababo in nolosha is dhaafiyaan lamaane nolosha wadaagayay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -