Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka Gobolka Hiiraan oo raali gelin ka dalbaday Midowga Musharaxiinta

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa si adag uga jawaabay qoraal kasoo baxay Golaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo lagu sheegay ineysan doorasho ka dhici karin magaaalada Belad weyne amni daro awgeed.

Guddoomiye Jeyte ayaa sheegay iney been abuur tahay warkaas ku tilmaamay mid been abuur ah oo laga xumaado, isla markaana loogu gefay shacabka halkaas ku dhaqan.

“Waa wax laga xumaado oo laga naxo waxa kasoo yeeray nimanka sheeganaya Midowga Musharaxiinta waana gaf iyo meel ka dhac loogu gafay shacabka reer Baledweyne in la yiraahdo doorasho kama dhici karto Baledweyne” ayuu yiri guddoomiye Jeyte.

Waxaa sidoo kale masuuliyiintii ka jawaabay qoraalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta ka mid ahaa guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh Isxaaq iyo guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhuubow kuwaas oo sheegay in Baledweyne amaan tahay doorashadana ay ka dhici doonto.

Guddoomiyaha degmada Baledweyne Cismaan Dhuuboow ayaa sheegay in Midowga Musharaxiinta ay yihiin qaswadayaal meelaha taagan qaskii aay wadeena ay lasoo galeen Baledweyne.

Gabagabadii guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Hirshabeelle Siraaji Sheekh isxaaq ayaa isna sheegay in hadalka kasoo baxay Midowga Musharaxiinta uu ahaa mid gaf ku ah shacabka reer Hiiraan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xassan Shiikh oo shaaciyay halka dagaalka u jihaysan doono kadib Galmudug

Caydiid Ali

Somaliland oo ciidanka DDS ku eedeysay iney ka qeyb ka yihiin dagaalka Laascaanood

Caydiid Ali

Mid kamid ah dowladaha Yurub ugu weyn oo taageertay heshiiska DFS iyo Somaliland

Cabdi Cade
Taboola Ads ---