Dhimashada daadadka Jarmalka oo gaartay boqol qof & kun kale oo la la’yahay (Sawirro)

Tirada dadka ku dhintay daadadka ku dhuftay gobolada NRW iyo RLP ee dalka Jarmalka ayaa haatan dhaaftay 100 qof, iyadoo 1000 kalena lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Roobabka iyo fatahaadaha ka socda qeybo ka mid ah dalka Jarmalka ayaa burburiyey, wadooyin fara badan, guryo, buundooyin iyo meelo kale.

RW dalka Jarmalka Angela Merkel ayaa sheegtay  in dadka ay  waxyeeladdu kasoo gaadhay  Daadadkii ka dhacay qaar kamid ah Goboladda wadanka Jarmalka ay heli doonaan Kaalmadda Dawladda Fedaraalka

Merkel ayaa arintan kala hadashay Wasiirka Maaliyadda ee Jarmalka Olaf Scholz .

Daadadku waxay saamayn ku yeesheen isku socodka tareenadda Xadka Belgium, Luxembourg iyo  France.

Dhanka kale dhibaatadan waxay gaartay dalka Biljimka halkaasoo daadadku ku dileen illaa 4 Qof sida laga soo xigtay saraakiisha dalkaas

Waxaa la filayaa in Roobab badan oo kale ay da’aan maalmaha Soo socda, sida ay sheegayaan heyadaha saadaasha hawada ee dalkaas.

Shaqaalaha gargaarka ayey ku adkaatay iney gaaraan goobaha qaar fatahaadaha jira awgood, iyagoo taas bedelkeed bilaabay iney adeegsadaan dayuuradaha qumaatiga u kaca ee helicobterada oo ay ku soo daabulayaan dad go’doonsan iyagoo sidoo kale raashiin gargaar hawada ka daadinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -