Qaraxyo Al-Shabaab ku aaseen degaano ka tirsan Mudug oo la fashiliyey (Sawirro)

Hawlgal ballaaran iyo weerar jihooyin kala duwan leh ayay saaka ciidamada amniga Galmudug iyo ciidamada Qaranku ku ekeeyeen goobo badan oo Al-Shabaab gacantooda ku jiray sida ay sheegeen saraakiisha Galmudug.

Waxay intaas ku dareen in saaka Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore laga fashilayay isku-day weerar ismiidaamin ah oo lagu soo xiray gaari noociisu ahaa Land Cruiser oo ay ku doonayeen inay ku hakiyaan dhaqaaqa ciidamada huwanta ah.

“Alla fadligii waxay ciidamadu qarxiyeen gaarigii dhagarta damacsanaa waxaa goobtii ku dhintay nafti halligihii gaariga qaraxa darawalka ka ahaa” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada Galmudug.

Ciidamada huwanta ayaa sheegay iney ku sii siqayaan magaalada Camaara ayna burburiyeen difaacyo ay Al-shabaab dhigeen hareeraha Camaara iyo Bacaadweyn.

Ciidamada miino-baarista Booliska iyo kuwa  Mileteriga Galmudug ayaa ku guulaystay inay soo saaraan miinooyin ay Al-shabaab ku wareejiyeen degaano laga saaray

“Qiyaastii afar xabbo oo miino ah oo isugu jira kuwa remoteka ah iyo kuwa anti-taangiga ah ayaa la soo saaray, welina tiimka miina baaristu waxay baarayaan aagga Bacaadweyn iyo Camaara oo maalmihii la soo dhaafay dad shacab ah ay wax yeelaysay miinada argagixisada alshabaab ay ku aastay deegaanadaas” ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Al-Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -