Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Guddiga amniga doorashooyinka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga amniga doorashooyinka oo isugu jira Taliyeyaasha Booliiska heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed, gobolka Banaadir iyo Taliska AMISOM.

Kulankan ayaa diirada lagu saaray sidii looga shaqeyn lahaa diyaarinta iyo dar dargalinta amaanka goobaha lagu wado in ay ka dhacaan doorashooyinka Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka federaalka .

Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Janaraal Xijaar oo shirka kadib Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirka amniga diirada lagu saaray sidii wadajir looga shaqeyn lahaa sugida amaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.

Waxa uu sheegay taliyaha in la isku raacay in loo diyaar garoobo sugida amaanka doorashada uu sheegay in ay ku dhaceyso waqtigii loo qorsheeyay, waxa uuna cadeeyay in  ciidamada u diyaarsan yihiin sugida amaanka iyo fulinta waajibaadkooda shaqo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -