Ciidamada TPLF oo la wareegay magaalo cusub kuna sii dhawaanaya magaalo kale

Ciidamada daacada u ah kooxda TPLF ayaa sheegay in ay la wareegeen magaalo horey gacanta ugu hayeen ciidamada federaalka Itoobiya, kuna sii siqayaan magaalooyin kale oo gacantooda horey looga saaray.

Afhayeenka TPLF Getachew Reda ayaa  sheegay in ciidamada Tigray ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Korem, oo 170 km koonfur ka xigta Mekelle, waxa uuna sheegay in magaaladan isaga carareen ciidamada federaalka ayna hada iyagu maamulayaan.

Waxa uu sheegay afhayeenka Tigrey in ciidankooda hada kusii siqayaan magaalada weyn ee Alamata oo 20km koonfur ka xigta magaalada Korem, waxa uuna sheegay in ay sii wadayaan dagaalka inta gacantooda kasoo galeyso deegaanada ka maqan.

Afhayeenka TPLF Getachew ayaa sheegay in kooxdiisa ay dooneyso in xuduudihii dagaalka kahor lasoo celiyo, islamarkaana la furo qadadka gaadiidka, si loogu ogolaado in gargaarka bani’aadannimo uu halkaas gaaro.

Dowlada Itoobiya ayaan wali ka hadlin warkan kasoo baxay maamulka Tigrey ee ku aadan in ay la wareegeen magaalada Korem, waxa uuna afhayeen u hadlay milatariga sheegay in wali ixtiraamayaan xabad joojinta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -