Dr. C/qaasim Salaad Xasan oo ka hadlay qalalaasaha Siyaasadeed ee dalka ka jira

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan oo ku sugan magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa sheegay in wadanka uu ka jiro isbadal balaaran oo dhinaca horumarka ah loona baahanyahay in dalka aanan dib loo celin.

Mudane Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa ugu baaqay dhamaan xildhibaanada inay muujiyaan isku duubni, sidoo kalana ay ka shaqeeyaan horumarka waddanka.

“Wadanka waddadii Burburka yaanan dib loogu celin, xildhibaanada Qaranka waa iney ka fekeraan talaabooyinka ay qaadayaan” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed aysan haatan diyaar u ahayn in dalka loogu celiyo wadadii bur-burka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -