Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Rag diyaariyay Shirqool afgembi oo ka dhan ahaa Boqor Cabdalla oo xukun adag lagu riday

Maxkamad amni oo kutaala dalka Jordan ayaa xukun xabsi sanado badan ah ku riday labo sargaal oo lagu helay in ay maleegeen shirqool afgembi oo ka dhan ahaa Boqor Cabdallaha Labaad ee dalka Jordan.

Maxkamada ayaa min 15-sabo oo xabsi ah ku riday Bassem Awadallah, oo haysta dhalashada Mareykanka, sidoo kalena kaaliye sare u ahaan jiray boqor Cabdalla, iyo Sharif Hassanbin Zaid, oo ah xubin ka tirsan qoyska boqortooyada Jordan.

Labadan sargaal oo horey uala soo shaqeeyay Boqorka ayaa lagu eedeeyay in ay maleegeen shirqool afgembi oo ka dhan ahaa Boqor Cabdalla sidoo kale kale ku kaceen  qiyaano qaran iyo hurin rabshado halis keeni karay.

Ragan xukunka adag ee xabsiga ah lagu riday ayaa beeniyay eedeymaha loo soo jeediyay, waxaana qareenada difaacayay labadan sargaal hore sheegeen in ay racfaan ka qaadan doonaan xukunka lagu riday.

Bassem Awadallah oo dowlada Urdun kasoo noqday Wasiir iyo sidoo kale madaxa Maxkamada Boqortooyada ayaa heesta dhalashada Sacuudiga iyo Mareykanka, waxaana qareenada ninkan difaacaya sheegeen in lagu jirdilay xabsiga lagana been abuurtay.

Ragan xukunka xabsiga ah lagu riday ayaa waxa ay isku dhawaayeen Boqor Cabdalla Walaalkiis Amiir Hamzah, oo la sheegay in qeyb ka ahaa qorshaha afgembiga, hasa ahaatee arinta Amiirka ayaa loo xaliyay qaab qoys ahaan .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo katirsan AMISOM oo saakay lagu soo dhaweeyay Dhuusomareeb (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Iska hor imaadkii maanta ka dhacay magaalada Kismaayo

Cabdi Cade

Mahdi Guuleed oo telfoon kula hadlay Ra’isul Wasaaraha Lubnaan kadib qarxyadii dhacay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---